Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Lagu Toogtay Agagaarka Safaaradda Mareykanka ee Nairobi


Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa sheegaya in booliiska Kenya ay nin ku toogteen meel u dhow safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Sawir la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya nin la toogtay oo maydkiisu waddada yaallo.

Vitalis Otieno oo ah taliyaha booliiska goobta ayaa VOA uga warramay sida ay wax u dhacen:

“Waxa dhacay waxa weeye qof lugaynaya oo garab maraya waddada Qaramada Midoobay ayaa mindi ku weeraray sarkaal booliis ah, markii uu mindida ku dhuftay ayaa sarkaal hubaysnaa uu toogtay ninkii, meesha ayuuna ku dhintay. Xilligan sarkaalka waxa uu ku sugan yahay cisbitaalka, qofka la dilayna waxa uu ku jiraa qaboojiyaha.” Sidaa waxaa yiri Vitalis Otieno.

Safaaradda Maraykanka oo aad loo ilaaliyo ayaa ku taalla kasoo horjeedka dhismaha Gigiri ee Qaramada Midoobay.

XS
SM
MD
LG