Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyo Taabacsan Daacish oo Maalinti Labaad Heysata Qandala


Doon ay la socdaan ciidan ka tirsan kuwa Puntland
Doon ay la socdaan ciidan ka tirsan kuwa Puntland

Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta wacad ku maray inay dib u qabsanayaan magaalada Qandala oo ay shalay qabsadeen maleeshiyo taabacsan ururka Daacish ee ka dagaalama waddamada Ciraaq iyo Siiriya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka hadlay magaalada Carma ayaa sheegay inaan maamulkiisu u dulqaadanayn in Daacish ay qabsato deegaan ka tirsan Puntland/

Ciidamada Puntland oo adeegsanaya doonyo ayaa la sheegay inay sugayaan amniga dhinaca badda si aan weerar uga imaan maleeshiyada qabsatay magaalada Qandala sida ay noo sheegeen warar aanu ka helnay dhinaca amniga.

Dadka degaanka ayaa VOA u sheegay in magaalada ay si buuxda gacxanta ugu hayaan malaintii labaad maleeshiyada taabacsan Daacish.

Maalintii shalay ayaa maleeshiyada Daacish taabacsan ay qabsadeen Qandala, waana magaaladii ugu horraysay ee ay qabsadaan.

Maleeshiyadan ayaa waxaa hogaamiya wadaadka lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin oo hore uga tirsanaa ururka Al-Shabab.

XS
SM
MD
LG