Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Isbaheysiga oo u Dhaqaaqay Mosul


Federal police forces take part in an operation against Islamic State militants in south of Mosul, Oct. 26, 2016.
Federal police forces take part in an operation against Islamic State militants in south of Mosul, Oct. 26, 2016.

Xoogaga Isbaheysiga ee duulaanka ku qaaday magaalada Mosul ee waqooyiga Ciraq ayaa lagu soo warramayaa in markaan ay u dhaqaaqaan gudaha magaalada, kadib maalmo ay duqeymo iyo dagaalo ka dhan ah Daacish ka wadeen nawaaxiga magaalada.

Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in dagaalyahanada Daacish ay qabsadeen dad badan oo rayid ah si ay uga dhigtaan gaashaan ay ku difaacdaan magaalada ugu weyn uguna danbeysa ee ay gacanta ku hayaan dalkaasi Ciraaq.

Ilaa iyo hadda weerarka Mosul oo ay horboodayaan ciidamada Ciraq ayaa suura geliyey in lagala wareego kooxda Daacish tuulooyin u dhaw magaalada Mosul oo ku yaalla koofurta, bariga iyo waqooyiga.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in magaalada iyo nawaaxigeeda ay ka barakaceen ilaa iyo 10 kun oo ruux oo rayid ah. Walaaca ugu weyn ayaa ah sidi dadkaasi loo gaarsiin lahaa gargaar bani,aadannimo.

XS
SM
MD
LG