Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Qabsaday Tiyeeglow, Kadib Ka Bixiddii Itoobiyanka


Ciidamada Itoobiya ayaa maanta ka baxay magaalada Tiyeglow ee gobolka Bakool oo ay qabsadeen bishii Ogosto sannadkii 2014-ka.

Wax yar kadib bixitaanka ciidamada Itoobiya, waxaa Tiyeglow soo galay maleeshiyada ururka Al-Shabab.

Waa magaaladii saddexaad ee bishan gudaheeda ay ka baxaan ciidamada Itoobiya iyagoo horey uga baxay Ceel-Cali iyo Halgan.

Banneynta Tiyeeglow ee ciidamadaasi, ayaa weriyahayaga Baydhaba Mukhtaar Maxamed Catoosh uu ka waraystay Wasirka Warfaafinta ee Mamaulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed.

Dhageyso Itoobiyaan ka baxay Tiyeeglow
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:32 0:00

XS
SM
MD
LG