Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad Mareykan ah oo Danbi Ku Heshay Haween Soomaali-Mareykan ah


Al-Shabab Threatens VOA Somali Service Chief
Al-Shabab Threatens VOA Somali Service Chief

Maxkamad federaali ah oo ku taallo dalkan Mareykanka ayaa xukmisay in ay danbiilayaal yihiin laba haween oo Soomaali-Mareykan ah kuwaas oo ku eedeesnaa in ay lacago u aruuriyeen ururka Al-Shabaab.

Muna Osman Jama, oo ah 36, iyo Hinda Osman Dhirane, oo 46 sano jir ah ayey Maxkamada bariga gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ku heshay danbi ah inay qadka telefoonka ku abaabuleen koox haween ah oo gaareysa ilaa iyo 15 kuwaas u ururiyey lacago kooxda aragagixisada ee Al-Shabab.

Muna Cusman Jama, oo ka mid aheyd Soomaalida degan magaalada Reston ee gobolka Virginia, iyo Hinda Cosman Dhiirane, oo daganayd degmada Kent ee gobolka Washington, ayaa labaduba la xiray bishii July ee sanadki 2014, isla waqtigaas waxaa la xiray Farhia Hassan oo ay xabsiga u taxaabeen booliska dalka Holland oo ka mid aheyd kooxda ka koobneyd 15-ka haween.

Muna iyo Hinda ayaa sidoo kale lagu helay danbiyo ah in ay ku kaceen shirqool iyo in ay si maaddi ah u taageereen koox argagixiso dibadda ah, waxaana ay wajahayaan xabsi dhan 15 sano.

Xakunka ugu danbeeya ee labadani haween ee asalkoodu Soomaaliga yahay ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha Janaayo ee sanadka soo aadan.

XS
SM
MD
LG