Doorashada ka dhacaysa Soomaaliya ee labada Aqal ee Baarlamaanka iyo tan Madaxweynennimada ayaa abuurtay dhaqaale badan oo soo gala saaxada siyaasadda. Lacagtaasi ayay ololayaashooda u adeegsanayaan musharrixiinta kala duwan si loo soo doorto.
Haddaba xaggee ayey lacagtan ka imanaysaa? Qaybtii koowaad ee warbixino arrintan ku saabsan waxaa inoo soo diyaariyey soona jeedinaya Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.