Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Ciraaq oo Duqeeyey Hareeraha Mosul


Ciidamada dalka Ciraaq ee ku guda jira hawlgalka dib loogu qabsanayo magaalada Mosul ayaa duqeeyey goobo ku hareeraysan magaaladaasi maanta oo Isniina.

Meelaha sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday waxaa ka mida goob u dhow Bartella oo 15 KM bari ka xigta Mosul.

Ciidamada Ciraaq iyo kuwa Kurdiyiinta ayaa u dhaqaaqay magaalooyinka yaryar ee ku hareeraysan Mosul ee ka kala xiga Bariga iyo Koonfurta.

Brett McGurk oo ay ergeyga khaaska ah ee Maraykanka u qaabilsan Isbahaysiga Maraykanku hoggaamiyo oo weeraro xagga cirka ah ku haya kooxda ISIS muddo laba sano ah, ayaa boggiisa Twitter-ka soo dhigay maanta oo isniina, in toddobaadkii ugu horreeyey ee hawlgalku socdo la wada gaadhay yoolkii la qorsheeyey.

XS
SM
MD
LG