Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Norway oo Shraciga kala Noqonaysa Soomaali Badan


In ka badan Kun iyo Lix boqol (1600) qof oo Soomaali ah, ayaa dowladda Norway ay kala noqotey sharciyadii aqoonsiga waddankaasi, waxaana looga digey dadkaasi in dib loogu celinayo Soomaaliya.

Dowladda Norway ayaa sheegtay inay u cuskatey dib u celinta dadkan sharci dastuuri ah oo u ogolaanaya soo galootiga sharciyada la siiyo in markii la rabo lagala noqonkaro aqoonsiga marka ay dalalkoodu amni noqdaan.

Arinkan ayaa saameyn xoogan ku yeeshey kumanaan qoysas ah oo dalka Norway ku nool.

Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ku eegaysa arrintan, kana dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Warbixin ku saabsn Norway oo sharaciga kala noqoaysa Soomaali badan
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:55 0:00

XS
SM
MD
LG