Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ergo ka Socota Taliban oo Booqanaya Pakistan


Wefti ka socda Talibanka dalka Afghanistan ayaa u safray dalka Pakistan, kuwaas oo ka mid ergada wadahadalka Qadar, iyaga oo dalkaas kala hadli doona arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xadhiga loo geystay qaar ka mida hoggaamiyayaashooda, in la joojiyey kulano diimeed oo ay u qabanayeen qaxootiga reer Afghanistan iyo weliba dhibaatooyinka sii kordhaya ee soo foodsaaraya bulshooyinka ku barakacay dalkaas.


Masuul sare oo ka tirsan Taliban oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa u sheegay VOA in weftigan oo ka kooban saddex xubnood ayaa u tegey Islamabad inay walaacooda u gudbiyaan xukuumadda dalkaas iyo weliba inay raadiyaan macluumaad la xidhiidha xadhiga soo kordhaya ee loo geysanayo xubnaha ururkaas.

XS
SM
MD
LG