Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo 3 Qof ku Dilay Saakow


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imanaya magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka al-Shabab ay halkaasi ku toogteen saddex nin oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen.

Dhinaca kalena warar goor dhowayd naga soo gaadhay Lambar 50 ayaa sheegaya in dagaal uu gelinkii dambe ee maanta ku dhex marey maleeshiyada ururka Al-Shabab iyo maleeshiyo degaanka ah oo taageera dawladda Soomaaliya, sida ay noo sheegeen warar aanu ka helnay dadka degaanka ah.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyey markii al-Shabab ay weerar ku qaadeen Lambar 50.

Toddobaadkan horraantiisii ayaa al-Shabab iyo maleeshiyooyinka degaanka ay dagaallo ku dhexmareen lambar 50 iyo tuulada Muuri.

XS
SM
MD
LG