Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Clinton & Trump oo Dooddooodii Ugu Dambeysay Yeeshay


Musharrixiinta xisbiyada Dimuqraaddiga iyo Jamhuuriga ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump, ayaa yeeshay dooddoodii ugu dambeysay ee ka hor doorashada madaxtinnimo ee dhici doonta 8-da November.

Waxay labada musharrax ka hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ka yihiin, ammaanka, socdaalka, dhaqaalaha iyo kuwa kale.

Trump ayaa ku xayeysiiyey guulaha ganacsigiisa isagoo sheegey in haddii uu noqdo madaxweynaha dalkan uu dhaqaalaha kordhi doono 5-6 %.

Waxa uu mar kale sheegay inuu abuuri doono warshad dhaqaale oo aanan horey loo arag. Balse ma aanu bixin wax faah faahin ah oo ku aaddan sida uu dhaqaalihiisa u shaqeyn doono.

Clinton ayaa sheegtey in qorshaheeda dhaqaale ay qeyb ka tahay in ay ku dhawaato halka lacagtu taalo. Waxa ay ballan qaaddey in ay canshuurta ku kordhin doonto dadka dhaqaalaha leh iyo shirkadaha waaweyn si loo xaqiijiyo in ay wax ka bixiyaan qeybta lagu leeyahay.

Trump ayaa dhankiisa ka fogaadey inuu ka jawaabo su'aal ku saabsaneyd haddii uu canshuuraha kordhin doono iyo hadii kale si ay dadku u helaan waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin oo ay ka mid tahay daryeelka caafimaadka, lacagaha gabowga kuwaasoo ah meelaha ay lacagaha ugu badani ku baxaan.

Halkan hoose ka dhageyso faaqidaad iyo warbixinno ku saabsan dooddii xalay.

Dhageyso Faaqidaad Ku saabsan Doodda
please wait

No media source currently available

0:00 0:19:36 0:00

XS
SM
MD
LG