Isku xirrada

Clinton & Trump oo Isku Diyaariyanaya Dooddoodii 3-aad


Musharrixiinta xisbiyada Dimuqraaddiga iyo Jamhuuriga ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump, ayaa ku guda jira saacadihii ugu dambeeyay ee u diyaar garowga dooddooda seddaxaad, taas oo ah tii ugu dambeysay ee labada musharrax ay yeelanayaan ka hor doorashada guud ee 8-da November.

Waxay labada musharrax ka hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ay siyaasadda ka mid tahay, iyadoo malaayiin qofna ay fursad u heli doonaan inay daawadaan doodda labada dhinac.

Doodda, ayaa ka dhici doonta magaalada Las Vegas, ee gobalka Nevada, iyadoo ra'i ururinnadii ugu dambeeyay ee bulshada ay muujineyso in Clinton ay ka horeyso Trump.

Horre, ayaa labada musharrax laba dood u yeeshay, waxaana labadaba ku adkaaday Hillary Clinton, oo hore u soo noqotay xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG