Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iska Hor-imaad Mandheera Ka Dhacay oo Dhimasho Sababay


Mandera, Kenya
Mandera, Kenya

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay iska horimaad xalay ka dhacay magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, Kenya, sida ay idaacadda VOA u sheegeen dadka magaalada.

Iska horimaadka ayaa dhacay kadib markii maleeshiyo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin al-Shabab oo wata mootooyin ay rasaas isweysaarsadeen ciidamada amniga Kenya.

Qofka dhintay ayaa ahaa nin waardiye ka ah Iskuulka lagu magacaabo Al-Qalam oo ka mid ah iskuullada aasaasiga ah ee magaalada.

Maleeshiyada weerarka soo qaadday ayaa la sheegay inay sidoo kale tuureen bambooyinka gacanta, waxayna goor dambe u carareenn dhinaca xadka Soomaaliyaa, sida ay sheegayaan dadka degaanka.

XS
SM
MD
LG