Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qabashada Mosul oo Imtixaan ku Noqon Karta Mareykanka iyo Ciraaq


Maalin un ka hor xilligi loo qorsheeyey qabashada magaalada Mosul, Ciraaq ee ay maamulaan xooggaga Daacish ayey wasaarada Difaaca ee Mareykanku muujinaysaa rajo aad u weyn. "Waanu ognahay in uu qorshuhu kasoo hormaray xilligii lafilayey." Waanu ogsoonahay in qabashada Mosul ay muhiimada balaaran u leedahay danaha Mareykanka ee gobolkan.

In ku dhow 30.000 oo ciidanka Ciraaq ah iyo 4.000 oo dagaalyahaniinta Kurdiyiinta ayaa dhanka bari kaga soo durqay magaalada Mosul iyaga oo soo qabsadey tuulooyinkii ku dhawaa oo dhan, is difaacid aan tabar lahayn kala kulmey kooxda Daacish.

Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka, Peter Cook ayaa sheegay in calaamado hurdhac ah ay muujinayaan in ciidamada Ciraaq ay gaareen hadafkoodi. "Qarshani waa mid Ciraaq." ayuu yiri.

Inta baddan saraakiisha Mareykanka ayaa qaba, inkasta oo ay kalsooni ku qabaan guullaha hordhaca ah, in dagalaaka lagu xoreynayo Mosul uu noqonayo mid uu dhiig baddani ku daato islamarkaasna daba dheeraado.

XS
SM
MD
LG