Isku xirrada

Ciraaq: ISIS Waan ka Saaraynaa Mosul


Mosul, Iraq

Mosul, Iraq

Ra’iisal Wasaaraha dalka Ciraaq Haider al-Abadi ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu u dabaaldegi doono guul uu ka gaadho hawlgalka milateri ee ka socda magaalada Mosul, halkaas oo ciidamada milaterigu ay kula dagaalamayaan kooxda ISIS si ay uga faro-maroojiyaan gacan ku haynta magaalada.

Hawlgal milateri oo wakhti la sugayey ayaa ah kan ugu ballaadhan ee dalkaas laga sameeyo tan iyo wixii ka dambeeyey markii ciidamada maraykanku ay dalkaas ka baxeen shan sano ka hor .

XS
SM
MD
LG