Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha Caalamka: Walaac Ayaan ka Qabnaa in Dambileyaal Baarlamanka Lagu Daro


Michael Keating,Ergeyga QM ee Somalia iyo Madaxweyne Xassan Sheekh Axmed(Sawir Hore)
Michael Keating,Ergeyga QM ee Somalia iyo Madaxweyne Xassan Sheekh Axmed(Sawir Hore)

War saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen xubnaha Beesha Caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Somalia ayey ku sheegeen inay ka walaacsanyihiin in shaqsiyaad taariikhda ku leh colaado, falal dembi iyo argagixisnimo lagusoo daro liisaska musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada Federalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya.

Qoraalkan ayaa sida ku cad waxaa wada jir u soo saaray, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka.

Qoraalkan ayaa lagu yiri, “Magacaabista iyo doorashada dhici karta in la doorto shakhsi kasta ee ka mas’uul ahaa colaadihii sababay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya waxay ka dhigantahay tallaabo dib u dhac ah xilli Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso inay furto bog cusub.

Tan waa inay xisaabta ku darsadaan dhamaan inta arrintu khusayso ee muhiimka ah maadaama ay socoto u codeynta musharaxiinta Aqalka Sare, iyadoo 14,025 ergo doorasho la isku keenayo dabayaaqada bishan si ay u doortaan xubnaha Golaha Shacabka.”

Qoraalkan waxaa kaloo lagu yiri, “Dadka Soomaaliyeed, iyo weliba saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay mudanyihiin inay kalsooni ku qabaan hay’adaha samaysmaya ee kasoo baxaya geedi-socodka doorasho ee hadda socda.

Waa in dadaal kasta lagu bixiyaa sidi lagu xaqiijin lahaa in geedi-socodka ay kasoo baxdo magacaabis mas’uuliyiin sumcad leh oo loo magacaabo xafiisyada dowladda, kuwaas oo aan wiiqi doonin sharciyadda iyo kalsooni ku qabidda Dowladda iyo Baarlamaanka cusub”.

Dhawaan ayaa waxaa baarlamanka Galmudug uu soo gudbiyay sideed xubnood oo u matalaya Aqalka Sare oo ay laba gabdhood ku jiraan. Halka maamul goboleedyada kale la filayo inay soo gudbiyaan xubnahooda maalmo yar gudahood.

Waxaa kaloo socda hawlihii diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya 275ka kuraas ee Golaha Shacabka.

Beesha Caalamka ayaa qoraalkoodan ku soo jeediyay, “in ergada doorasho aanay dooranin shakhsiyaad taariikhda ay ugu qoranyihiin falal dembi iyo colaado si ay beelohooda iyo jufooyinkooda ugu metelaan Aaqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Qoraalkan oo xagga hoose soo xigtay hadalka, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan

Soomaaliya ayaa loogu soo jeediyay ergada beelaha Soomaaliyeed inay iska diidaan musharraxiin baarlamaan oo ku lug lahaa qaar kamid ah xadgudubyadii ugu xumaa ee xuquuqul insaanka ee ka dhacay.

Michael Keating waxa uu sheegay in talaabada noocan ah ay sii adkeynayso sida ay Soomaaliya uga go’antahay soo afjaridda dhaqanka ku salaysan “sharci ka sarraynta ama la-xisaabtan la’aanta, iyadoo arrintan ay indhaha ku hayaan muwaadiniinteeda iyo dunida guud ahaan.”

XS
SM
MD
LG