Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug: Doorashadii A. Sare oo la Dhameystiray


Maamulka Galmudug ayaa noqonaya maamul goboleedkii ugu horreeyey ee si buuxdo u soo doortay xubnaha ku matali doono Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Baarlamanka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ku dhameystiray doorashada sideedda xubnood ee Matali doona maamulka oo shalay ka mid ah la doortay.

Doorashadan oo mudo labo maalmood ah socotay ayaa waxaa labaddii kursi ee u dambeysay ku kala guuleystay mudanayaasha kala ah C/waaxid Cilmi “Goonjeex” iyo Abuukar Axmed Xaashi.

Laba ka mid ah xubnaha la doortay waa gabdho taasoo ka dhigan in maamulka galmudug uu buuxiyay shuruurdii kootada dumarka ee 30%.

Laakiin waxaa jira qaar ka mid ah haweenkii u tartamay Aqalka Sare oo ka cabanaya cadaalad darro iyo mad madow ay sheegeen in wax lagu soo doortay.

Haweenkaas waxaa ka mid ah, Luul Maxamed Sheekh oo la tartantay, Cabdi Axmed Dhuxulow(dhegdheer oo ka tirsanaa baarlamanka Somalia.

Luul oo idaacadda la soo xiriirtay ayaa waxay u warantay Wariyeheenna Caasha Ibrahim Aaden.

Dhageyso wareysiga Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:49 0:00

XS
SM
MD
LG