Isku xirrada

Deg Deg: Doorashada Galmudug ee Aqalka Sare


Doorashadii ugu horraysay ee Aqalka Sare ayaa maanta ka bilaabatay Soomaaliya.

Aqalka Baarlamaanka ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa u codaynaya xilligan siddeeda xubnood ee maamulkaasi u matali dona Aqalka Sare. Ilaa haatan waxaa kuraastooda ku guulaystay shan xubnood oo kala ah Abshir Maxamed Axmed oo ah mulkiilaha idaacdda Goobjoog oo helay kursigii ugu horreeyey ee Aqalka Sare.

Kursiga labaad waxaa helay Jenerala Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Madaxwyenihii hore ee Maamulka Galmudug; kurisga saddexaad waxaa helay Cabdi Axmed Dhuxulo “Dhegdheer” oo horay uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa isna kursigiisa ku guulaystay Yuusf Geelle Ugaas.

Goor dhowaydna waxaa lagu dhowaaqay in gabadhii ugu horraysay ay heshay kursi ka tirsan Aqalka Sare, waxaana gabadhaasi lagu magacaabaa Zamzam Daahir Maxamuud.

Doorashada saddexda kursi ee dhiman ayaa lagu soo waramayaa in maalinta berri ah loo dib loogu dhigay.

XS
SM
MD
LG