Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyaad Muddo Heystay Xarrunta Shirka Hir-Shabelle


Xarunta Shirka Jowhar (Sawirka Radio Muqdisho)
Xarunta Shirka Jowhar (Sawirka Radio Muqdisho)

Maleeshiyaad saaka qabsaday xarrunta shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelle Dhexe ee magaalada Jowhar, ayaa la sheegaya inay halkaasi isaga baxeen gelikii dambe ee maanta, iyadoo aanu dhicin wax iska hor imaad ah.

Maleeshiyaadka xarrunta shirka la wareegay, ayaa waxa hoggaaminaayay Cali Xasan, oo sheegey in uu u tartamayo xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle.

Waxa uu Cali Xasan Taakow tilmaamay in uu ka carroodey wax is daba marin iyo musuq maasuq hareeyay doorashooyinka dhacaya.

Warar soo baxaya, ayaa sheegaya in Taakow iyo maleeshiyaadkiisa lagu qanciyay inay goobta isaga baxaan, kadib markii uu wada hadal dhex maray xubnahaasi iyo saraakiil dowladda ka socdey.

Dowlada Soomaaliya iyo maamulka gobalka Shabellaha Dhexe wali midna kama hadlin dhacdadan oo shaki galin karta amniga goobta shirka mar hadii malayshiyda degaanka ay si sahlan ku qabsan karto xarunta shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Warar goor dhowayd naga soo gaaray magaalada Jowhar ayaa sheegaya in maleyshiyaad hubeysan ay duhurnimadii maanta qabsadeeen xaruunta uu ka socdo shirka maamul u sameynta goballada Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe ee magaalada Jowhar, sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah oo aynu ka helnay goobta uu shirku ka soconayo.

XS
SM
MD
LG