Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW: Tallaabo Ha Laga Qaado Ethiopia


Human Rights Watch
Human Rights Watch

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa kulankii guddi hoosaadka Midowga Yurub ee xuquuqda aadanaha waxay Midowga Yurub iyo beesha caalamka ugu baaqday inay tallaabo xoogan ka qaadaan Ethiopia.

Kooxaha caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ku warramaya in beesha caalamka ay dhinaca kale uga jeestaan marka ay timaado xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo caburinta xoriyadda hadalka ee Ethiopia.

Cilma baaraha sare ee Human Rights Watch, Felix Horne ayaa sheegay inuu aaminsanyahay inay jirto rabitaan la’aan ah in wax laga qabto arrimaha Ethiopia sababo la xiriira xiriirka xooggan ee dowladda dalkaas ay la leedahay beesha caalamka.

“Midowga Yurub waa inay tallaabo adag ka qaadaan Ethiopia, ayna dhiiri geliyaan baaritaan caalami ah, waa inay cadaadiyaan in baaraha QM loo ogolaado dalka Ethiopia” ayuu yiri Horne.

Dalka Ethiopia ayaa waxaa dhowaanahan ka socda dibadbaxyo lagu dalbanayo xorriyad siyaasadeed oo ballaaran, taasi oo keentay in dowladda ay soo rogto xaalad deg deg ah markii ugu horreysay muddo 25 sano ka badan.

XS
SM
MD
LG