Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Godinlabe


Wararka ka imanaya maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in maanta iska horimaad uu ka dhacay degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa dhex maray maleeshiyo beeleed hubeysan oo ay taageerayaan kuwa Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo cidamada maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in afar qof ay ku dhinteen dagaalka, islamarkaana tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Galmudug ayaa dagaalka ku eedeeyey maamulka Ahlu-Sunna, oo ay sheegeen in dagaalka ay kasoo agaasimeen magaalada Dhuusomareeb.

Ahlu-Sunna waa ay beenisay inay dagaalka ku lug leedahay.

Warbixintan waxaa Gaalkacyo nooga soo diray Cabdiwaaxid Macallim Isxaaq.

Dagaal ka dhacay Godinlabe
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:16 0:00

XS
SM
MD
LG