Isku xirrada

Barakac ka Socda Magaalada Gaalkacyo


Barakac xooggan ayaa laga soo sheegayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo maalmihii dhawaa ay dagaallo ka socdeen.

Magaalada ayaa waxaa ku dagaalamayey maleeshiyo kasoo kala jeedaa maamulada Puntland iyo Galmudug ee kala dega waqooyiga iyo koonfurta magaalada.

Xaafado badan oo magaalada ka mid ah ayaa iminka haawanaya, ayada oo dadka magaalada ka qaxaya ay ka cabsi qabaan inay dagaalada magaalada ay saameyn ku yeeshaan.

Dadka qaar ayaa sheegay inay degeen meelo banaan ah oo magaalada ka baxsan oo aad u kulul.

Warbixintan waxaa Gaalkacyo ka soo direy wariyaheena Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq.

XS
SM
MD
LG