Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo ku Dhawaaqday Xaalad Deg Deg Ah


Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa dalka geliyey lix bilood oo xaalad deg deg ah, kadib rabshado ay dad badan ku dhinteen oo dalka ka dhacay.

Hadal uu ka jeediyey TV-ga qaranka ee ku hadla codka dowladda ayuu Mr. Desalegn ku sheegay maanta oo Axad ah in xaaladda deg deg ah ay uga gol leeyihiin sidii loo soo celin lahaa xasiloonida iyo kala danbeynta.

Maalmihi dhawaa ayaa dalka Ehtiopia waxaa ka jiray dibadbaxyo rabshado watay oo ay dadka Oromada kaga soo horjeedaan Dowlada.

Hadaba warbixin ku saabsan warka kasoo baxay dowladda Ethiopia, waxaa soo jeedinaya Ismaaciil Xuseyn Farjar.

Dhageyso warbixinta xaaladda deg dega ah ee Ethiopia
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:38 0:00


XS
SM
MD
LG