Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fariin Telefoon Waxyeello ma ku Gaadhsiin Kartaa?


Toddobaadadan waxaa baraha isgaadhsiinta iyo bulshada dhexdeeda aad ugu batay fariimo ka digaya in telefoonada gacanta laga jawaabo, iyada oo fariimahaasi sheegyaaan haddii telefoonkaaga aad ka jawaabto in waxyeello ku soo gaadhi karto.

Hase ahaatee khubarada aqoonta u leh dhinaca farsamada Casriga ah ayaa sheegay in arrintaasi aanay run ahayn, isla markaana aanay dhici karin in fariin telefoon laguu soo dhex mariyo waxyeello naftaada halis gelisa.

Fariimahan digniinta ah ayaa khalkhal ku abuuray qoysas badan taas oo sababtay inay telefoonadoodii tuuraan, ama ay ka qaban waayaan telefoonada eheladoodii debedda.

Haddaba Barnaamijka Hibada waxaa marti ku ah Cabdi Tahliil Faarax oo ah majaajilayste ku nool Sweden, waa mid ka mida labadii dhalinyaro ee ugu horreeyey ee fariimahan dira, Cabdinaasir Sola oo macalin ku nool dalka Britian isla markaana aqoon durugsan u leh farsamada casriga ah, iyo Hibaaq Gamuute oo madax ka ah Xarunta Daraasaadka Siyaasiga ah ee CPA oo ku sugan Hargeisa.

Hibada iyo Hal-abuurka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:25:35 0:00

XS
SM
MD
LG