Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Dib uga Dhex Qarxay Galmudug iyo Puntland


Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaallo soo cusboonaaday oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacayo, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Dagaalladan ayaa u dhexeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana la isku adeegsaday hubka culus.

Dagaalka ayaa intiisa badan ka dhacay xaafad ku taalla dhinaca Galbeed ee magaalada Gaalkacyo.

Sagaal qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaalka oo illaa haatan socda sida ay sheegeen warar laga helay dhinaca xarumaha caafimaadka.

Si rasmi ah looma sheegin sababta dib usoo cusboonaysiisay colaadda ka dhaxaysa labada dhinac. Hase yeeshee warar laga helay dadka magaalada ayaa sheegay inay ka kacday muran ka dhashay dhisme lasoo jeediyey in loo sameeyo xoolaha kaasi oo labada dhinac ay ku murmeen.

Bishii November ee sannadkii hore ayey labada dhinac ku dagaalameen magaalada Gaalkacyo waxaana dagaalladaasi ku dhintay tobannaan qof.

Dawladda Soomaaliya ayaa markii dambe ku guulaysatay inay heshiis kala dhex dhigto labada dhinac.

Weriyaheena Cabdulwaaxid Macallin Isxaaq ayaa warkan Gaalkacyo kasoo diray.

Dagaal ka dhacay Gaalkacyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:15 0:00

XS
SM
MD
LG