Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dood Kulul oo Dhex Martay Kaine iyo Pence


Campaign 2016 VP Debate vice-presidential nominee Gov. Mike Pence and Sen. Tim Kaine debate
Campaign 2016 VP Debate vice-presidential nominee Gov. Mike Pence and Sen. Tim Kaine debate

Labada nin ee u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka ee kala ah Tim Kaine oo ka socda xisbiga dimoqraadiga iyo Mike Pence oo xisbiga jamhuuriga ka socda ayaa xalay isku wajahay dood kulul.

Dooda oo ka dhacday jaamacada Longwood University ee gobolka Virginia duleedka magaaladan Washington ayaa aheyd dooda kaliyah ee loo qorsheeyey in ay yeeshaan musharaxiinta madaxweyne ku xigeenada ka hor inta aysan dhicin doorashooyinka madaxtinimada bisha soo socota ee November.

Tim Kaine oo ah senator laga soo doorto gobolka Virginia iyo Mike Pence oo ah gudoomiyaha gobolka Indiana ayaa aad ugu kala duwanaa dhamaan qodobadi ay ka doodeen oo u badnaa arrimaha gudaha, marka laga reebo qodobka ah guul ka gaaridda xiriirka booliska iyo bulshada iyo yareynta rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadweynaha.

Pence ayaa ku eedeeyey musharaxa xisbiga dimoqraadiga ee xilka madaxtinimada Hillary Clinton, in ay ciidamada boolisku ku tilmaantay kuwo aan cadaalad aheyn, hase yeeshee Kaine ayaa ka soo dhex galeyey hadalkiisa isaga oo yiri arrinta booliska iyo bulshada waa arrin u baahan in laga doodo.

Kaine ayaa isna ku eedeeyey musharaxa xibiga jamhuuriga ee Donald Trump inuusan dooneyn inuu soo bandhigo lacagaha canshuur celinta, taasoo ay dad badan oo taageersan xisbiga dimoqraadiga aaminsanyihiin inuu Trump bixiyey canshuur yar.

XS
SM
MD
LG