Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga Doorashada oo ka Wallaacsan Arrimaha Hiiraan iyo Sh/Dhexe


Cumar Dhagey
Cumar Dhagey

Warsaxaafadeed ka soo baxay Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashayooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay gudigu ka walaacsan yihiin go’aan ka gaadhista arrimaha dooraashooyinka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Guddiga waxay tilmaameen in ay si deg deg ah dawlada federaalka uga sugayaan, qodobo ay ka mid yihiin.

1.Go’aan ka gaarista goobta ay ka dhacayso doorashooyinka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
2.Hannaanka soo magacaabidda iyo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee labadaasi gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in arrimaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo Somaliland oo aan laga gaarin go’aanno lagu xalliyo in ay mar kale sabab u noqon karto habacsanaan iyo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dadban, iyadoo mas’uuliyadeeda aanay yeelan doonin Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashayooyinka Dadban.

Ugu dambeyn, wuxuu Gudigu warsaxaafadeedkan ku sheegay in tallaabooyin wax ku ool ah laga gaaray hirgelinta doorashooyinka dadban, taas oo lagu gaaray dadaalladii sida wada jirka ah ay u qaadeen guddiyada heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed oo kaashanaya dowladda federaalka, dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, Madasha Hoggaanka Qaran, iyo saaxiibada beesha Caalamka.

XS
SM
MD
LG