Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku dhintay Ethiopia


Oromia Protest
Oromia Protest

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in tiro dad ah ay ku dhinteen mudaaharaadyo rabshada watay oo ka dhacay duleedka magaalada Addis Ababa.

Bayaan kasoo baxay xafiiska isgaarsiinta ee Dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in fowdo ka dhacday duleedka caasimada ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad dhowr ah. Hadalka Dowlada laguma faah faahin tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay shilkaasi, hase yeeshee mucaaradka ayaa ku eedeeyey ciidamada booliska in ay sababeen dhimashada dadkan oo ay ku sheegeen in ay tiradooda gaareyso 50.

Merera Gudina, oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka Orobomada ee OFC ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in dadka dhintay ay gaarayaan 50 ruux kuwaasoo u geeriyooday isbuursi goobta ka dhacay, kadib marki ay ciidamada booliska rasaas cirka u rideen si ay u kala eryaan dadkaan oo mudaaharaad ka dhan ah Dowlada ka sameeyey meel uu ka socday dabaaldag.

Banaanbaxyada sanadihi dhawaa ka dhacayey gobolka ay Oromada degto ee Orimiya, waxay markoodii ugu horreeyey ka bilowdeen mashruuc horumarin ah oo ay Dowlada ku rabtay in ay caasimada ku balaariso sanadki 2014-kii.
Tallaabadaasi waxay khatar ku aheyd dhul beereed ay Oromadu leedahay.

Dad fara badan ayaa lagu dilay tan iyo dhamaadkii sanadki tagay ee 2015-kii bannaanbaxo daba socday qorshahaasi, oo ay Dowladu ku dhawaaqday in ay ka laabatay horraantii sanadkaan.

Dowlada ayaa ku eedeysay mucaaradka iyo muwaadiniin dibad joog ah in ay kicinayaan bannaanbaxayaasha si ay wadanka uga abuuraan fowdo.

XS
SM
MD
LG