Isku xirrada

Warar Dheeraad ah: Qaraxa Muqdisho


Sawir hore

Sawir hore

Laba qof ayaa ku dhimatay lix kale kalena way ku dhaawacantay qarax baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Muqdishu.

Saraakiisha amniga ayaa VOA u sheegay in baabuur nooca Toyota Corolla loo yaqaanno uu ku hor qarxay maqaayadda Blue Sky oo ku taalla badhtamaha magaalada Muqdishu.

Laba ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inuu dhaawacoodu fudud yahay.

Ilaa hadda ma sugna goobta uu bartilmaameedku ahaa, saraakiisha dawladduna waxay sheegeen inaysan wlei sugnayn in baabuurka goobta la dhigay iyo inuu socday.

Jamaal Axmed Cismaan ayaa khadka telefoonka ee Muqdisho ku waraystay Weriyaha VOA Xasan Kaafi Qoyste

XS
SM
MD
LG