Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhalinyaro u Xiran Budhcadeednimo oo Dacwadooda dib loo Dhigay


Waxaa maanta la filayey in maxkamad la horkeeno dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xidhan xabsi ku yaalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya kuwaas oo loo haysto falal budhcadbadeednimo.

Hase ahaatee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa u xaqiijisay VOA in dhegaysiga dacwaddaasi dib u dhacay, lana muddeeyey in la dhegeysto 13 bisha October.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Ebyan Ladane ayaa sheegtay in garyaqaanka u doodaya maxaabiistan xidhan iyo saraakiil ka socota safaaradu inay tageen maxkamadda si ay dhegaysiga uga qayb galaan, hase ahaatee loo sheegay in dib loo dhigay dhegaysiga dacwadda ka dib markii ay xilligii loogu talo galay ku dhammaan waayeen laba dacwadood oo ka horreeyey kan dhalinyarada, taasina ay keentay in dib loogu riixo bisha October 13-keeda.

XS
SM
MD
LG