Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Maraykanku Sharraxaad ha ka bixiyo Duqeyntii Galmudug.


Golaha wasiirada
Golaha wasiirada

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay duqeyn ka dhacday gobolka Mudug oo maamulka Galmudug uu sheegay in lagu dilay askar badan.

Duqeyntaas oo Mareykanka uu fuliyey ayaa afhayeen u hadlay Pentagon-ka, Jeff Davis, waxa uu sheegay inay ku beegsadeen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya, ayey dowladda Soomaaliya ku dalbatay in Mareykanka uu sharraxaad buuxda ka bixiyo weerarkaas iyo sida ay ula socodsiiyeen hay’adaha amniga Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka lagu sheegay “Golaha waxa uu walaac ka muujinayaa sheegashada Puntland ee weerarkaas”, wuxuuna ku baaqay in Galmudug iyo Puntland ay xiisadda dejiyaan.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay in guddi wasiiro loo saaray inay baaritaan ku sameeyaan weerarkaas.

XS
SM
MD
LG