Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Dumar ah oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Inta la xaqiijiyay labo dumar ah ayaa maanta ku dhintay qarax ka dhacay Suuq ku yaalla Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa VOA u sheegay in qaraxa uu ahaamiino lagu aasay meel u dhow bar-kontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya .

Dhanka kale Dhowr hoobiyeyaal ah ayaa maanta barqadii ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadirbalse lama sheegin wax khasaare ah oo ay sababeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in hoobiyayaal ay ku tureen xerada Xalane, balse ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan sheegashada Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG