Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug oo Magdhow ka Dalbatay Mareykanka


Pentagon
Pentagon

Maamulka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ka sheegay in weerarkii Mareykanku ka fuliyey gobolka Mudug ee lala beegsaday ciidankoodu uu khalad ahaa.

Madaxweyne ku xigeeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo VOA wareysi siiyay ayaa sheegay inay dalbanayaan magdhow iyo jawaab cad oo uu Maraykanka arrintaasi ka bixiyo.

Waxa sidoo kale sheegay inay iyaga iyo Maraykanku ka wada hadleen arrintan, wuxuuna mar kale ku celiyay eedeyn uu maamulkiisu u soo jeediyay Puntland, oo uu ku eedeeyay inay weerarkaasi ku soo hoggaamisay.

Weriyaheena Maxamed Colaad ayaa wareystay madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Wareysi: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:25 0:00

XS
SM
MD
LG