Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyo ka Tirsan Al-Shabaab oo Howlgal Lagu Dilay


Ciidamada
Ciidamada

Saddex ka mid ah maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamo ajnabi ah ka fuliyeen deegaanka Gole-shumbi oo 60 km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo.

Shan maleeshiyo oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Ciidamada ajnabiga ah ee la socday ciidamada Soomaalida ee weerarkan fuliyay xalay saqdii dhexe ayaa loo badinayaa inay yihiin ciidamo Mareykan ah oo watay diyaarado dagaal.

Howlgalkan ayaa laga fuliyey guri lagu tuhmayey Al-Shabaab, waxaana markii dambe ka dhacay dagaal socday ku dhawaad 40 daqiiqo, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen VOA.

Dadka deegaanka Gole-shumbi ayaa VOA u xaqiijiyay inay arkeen meydadka sadex ka tirsan kooxda Al-Shaabab iyo dhaawaca shan kale, iyo sidoo kale burburka gurigii ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab.

Habeenkii Isniinta ee 26-ka bishaan ayay ahayd markii sidoo kale ciidamadaan ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Kaamjaroon oo 70 km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo hallaasoo ay ku dileen sarkaal sare iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG