Isku xirrada

Israel: Shimon Peres oo Geeriyooday


Shimon Peres

Shimon Peres

Ra’iisul wasaarihii hore ee Israel Shimon Peres oo adeegiisa dadweyne uu ka dheeraa jiritaanka Israel ayaa geeriyooday isaga oo 93 jir ah.

Peres ayaa waxaa laba toddobaad ka hor ku dhacay cudurka qalalka, waxaana uu maanta ku geeriyooday Isbital ku yaalla Tel HaShomer.

Waxa uu soo qabtay xil kasta oo siyaasadeed oo weyn intii lagu guda jiray noloshiisa siyaasadda, waxaana ka mid ahaa inuu laba mar noqday ra’iisul wasaaraha Israel. Waxa uu sidoo kale noqday madaxweyne, wasiirka difaaca iyo wasiirka arrimaha dibedda.

Waxa uu ahaa xildhibaankii ugu waqtiga dheeraa taariikhda Israel, isaga oo kursiga Knesset-ka ku fadhiyey 48 sano.

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Peres uu noloshiisa u huray madaxbanaanida dadka Israel.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in aysan jirin cid in ka badan Peres dhistay marka ay timaado isbaheysiga Mareykanka iyo Israel.

XS
SM
MD
LG