Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn Lagu Dilay Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabab


Shabaab
Shabaab

Warar aan ka helnay tuulada Kanjaroon oo u dhaw xadka Kenya ayaa sheegaya in duqeymo ay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ka geysteen halkaasi ay ku dhinteen afar sarkaal oo ka tirsan kooxda Al Shabab.

Weerarka cirka ah ayey wararku sheegayaan in lagu dilay Bashiir Dheere oo ahaan jiray taliye ku xigeenka maleeshiyaadka Al-Shabab ee gobolka Jubada Hoose iyo saddex sarkaal oo kale xilli ay ku sugnaayeen banaanka deegaanka Kanjaroon.

Bayaan laga soo saaray xafiiska taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in afartan sarkaal lagu dilay weerar isdifaacid ahaa oo dhinaca cirka ah, kadib marki ay kooxda Al Shabab weerar ku qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo iyo lataliyaal Mareykan ah oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Mareykanka ee jooga Africa ayaa ku adkeystay in doorkooda Soomaaliya uu ku koobanyahay kaliyah la talin.

XS
SM
MD
LG