Isku xirrada

UK oo ka Walaacsan Dib u Dhaca Doorashada Somalia


Peter Wilson

Peter Wilson

Dowladda Britain ayaa sheegtay inay aad uga walaacsantahay dib u dhaca ku yimid doorashada Soomaaliya islamarkaana ay beesha caalamku dooneyso inay ogaato sababaha dib u dhaca keenay.

Hadalkan ayaa waxaa warbaahinta magaalada New York ugu sheegay ku xigeenka wakiilka joogtada ah ee Britain u fadhiya Qaramada Midoobay Ambassador Peter Wilson.

Mr. Wilson waxa uu sheegay in beesha caalamku ay garwosantahay in dhabaha Soomaaliya ay uga soo baxeyso colaadda ee xasiloonida ku hogaaminaya uu yahay mid dheer.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar sameysay marka la bar bar dhigo maanta sidii ay aheyd 2011kii 2012-kii.

Waxa uu sheegay sababta doorashada dib u dhigtay ay tahay dhibaato aan horey loo fileyn – laakiin beesha caalamku ay dooneyso inay fahamto.

Waxa uu sheegay in dhinacayada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay wada tashiyo ka yeelanayaan arrimahan, iyadoo dowladda Britianna ay hindise ku aadan jawaabta laga bixinayo u gudbineyso Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

XS
SM
MD
LG