Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hakad ku Yimid Ganacsiga Suuqa Bakaaraha


Ganacsiga Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha ayaa maanta gelinkii hore hakad galay, ka dib markii suuqa ay xireen ciidamada dowladda Somalia oo howlgallo dhinaca amaanka ah ka sameynayay.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo howlgalkan ka hadlay ayaa sheegay in lagu soo qabtay afar qof oo lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha waxa ay sheegeen in dadka la qabtay ay badnaayeen balse badankood lasii daayey ayada oo laga reebay kaliya kuwii lala xiriirinayey ururka Al-Shabaab.

Wariyeheenna Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan Muqdisho nooga soo diray.

Ganacsiga Bakaaraha oo hakad ku yimid
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:07 0:00

XS
SM
MD
LG