Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallanqeyn: Maxaa Laga Filayaa Doodda Trump iyo Clinton?


Clinton - Trump
Clinton - Trump

Musharaxiinta labada xisbi ee Mareykanka ugu weyn, Hillary Clinton oo dhinaca Xisbiga Dimoqraadiga ka socota iyo Donald Trump oo ka soo jeeda dhinaca Xisbiga Jamhuuriga ayey Caawa dhax mareysaa dooddii ugu horeysey.

Dooddan ayaa qeyb ka ah saddex doodood oo loo qabto labada qof ee ku loolamaya xilka Madexweyninimada Mareykanka.

Dooddan waaxa caawa saacadda marka ay tahey 9-ka fiidnimo ee xilliga New York lagu qabanayaa jaamacadda HOFSTRA ee ku taal magaaladsa Hempstead ee gobolka New York.

Waxaa la filayaa in ay daawadaan dad gaaraya ilaa boqol malyuun oo ruux.

Haddaba waxa la is weydiinayaa maxaa dooddan xiisaha gaarka ah u yeeley, maxaase laga filayaa Hillary Clinton iyo Donald Trump in ay la soo shir tagaan.

Su’aalahaas iyo qaar kale ayey wariyaha VOA Falastiin Axmed Iimaan oo joogta Xarunta Washington ay goor dhaweyd weydiisey Madax Laanta Af Soomaaliga ee VOA Cabdiraxmaan Yabarow oo aalaaba arrimaha ku saabsan siyaasadda Mareykanka nooga faallooda.

Fallanqeyn: Doodda Trump iyo Clinton
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:46 0:00

XS
SM
MD
LG