Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali ku Xiran India oo la Beeniyey in Dil lagu Xukumay


Safaaradda Soomaaliya ee dalka India ayaa beenisay wararka sheegaya in dil lagu xukumay qaar ka mida maxaabiis loo haysto falal budhcad badeednimo oo ku xidhan jeel ku yaalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Safiirka dalka Hindiya u jooga Soomaaliya Ebyan Ladane Saalax ayaa VOA u sheegtay in safaaraddu ay qoraal ka heshay garyaqaanka u doodaya dhallinyarada ku eedaysan falalka budhcadbadeednimada, waxayna sheegtay in weli dacwadda dhalinyaradani ay socoto, islamarkaana la filayo in la dhegeysto maalinta Jimcaha ee ku beegan 30-ka bishan September.

Marka Garmaqalka dacwaddaas la dhegeysto maalinta Jimcaha ayaa la filayaa inuu ka falceliyo dacwad oogaha gobolka Maharashtra oo uu sheego inuu aqbalay qirashada eedaysanayaasha, markaas kadib ayaa maxkamaddu go’aan ka soo saari doontaa.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda ayaa lagu soo lifaaqay qoraalka ay ka heleen garyaqaanka u doodaya wiilasha u xidhan falalka budhcadbadeednimada, waxaana Qoraalka uu soo saaray garyaqaanka u doodaya dhallinyarada lagu sheegay in dhalinyarada xidhan qaarkood ay dhici karto in loo haysto falal dil ah, hase ahaatee kiiskoodu aanu u muuqanin inuu mutaysan karo dil, marka loo eego hannaanka cadaaladda ee dalka India oo inta badan xukunada dilka ah ku beddela xabsi dheer.

Garyaqaanka ayaa sheegay inaanu aaminsanayn in dhallinyaradan lagu xukumi karo dil, isaga oo tusaale u soo qaatay inaanay wax dil ah u geysan muwaadin u dhashay dalka India ama gaadiidkooda waxyeellayn ama aanay ku soo xadgudbin biyaha dalka India, taas bedelkeedana laga soo qabtay biyaha caalamiga ah.

Waraysiga Safiirka Soomaaliya ee Hindiya halkan hoose ka dhegeyso:

Waraysiga Safiirka Soomaaliye ee Hindiya
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:30 0:00

XS
SM
MD
LG