Isku xirrada

Xuutiyiinta oo 'Xabad Joojin Diyaar u Ah'


Sarkaal sare oo ka tirsan Jabhada Xuutiyiinta dalka Yemen ee dagaalka kula jirta dowladda Sharciga ah ee dalkaasi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay joojiyaan weerarada ay ka geysanayaan xadka Sacuudiga, hadii Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudigu ay joojinayaan duqeymaha ay ku hayaan bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee gudaha Yemen.

Qorshahan ayaa waxaa Axadi ku dhawaaqay Saleh al-Samad, oo ah madaxa Golaha Shuurada ee Jabhada Xuutiyiinta ee Shiicada ah ee ay taageerto Dowlada Iran.

Waxa uu Saleh Al-Samad ugu baaqay Sacuudiga in ay joojiso waxa uu ugu yeeray duulaanka gardarrada ah ee cirka, badda iyo dhulkaba ay uga soo qaaday dalka Yemen.

Kooxda hubeysan ee Xuutiyiinta ayaa dooneysa in ay afganbiso Dowlada ay beesha caalamka aqoonsantahay ee dalka Yemen, ee uu madaxda ka yahay madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalada u dhaxeeya mucaaradka iyo Dowlada Yemen oo kaashanaya isbaheeysiga Carabta ee uu Sacuudigu hogaamiyo ay ku dhinteen ilaa iyo 10,000 oo ruux. Bar ka mid ah waxa la sheegay in ay yihiin dad rayid ah.

XS
SM
MD
LG