Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Greenfield: Dib U Celinta Qaxootiga Waa Inay Noqotaa Mid Ikhtiyaari ah


Waxaa habeenimadii Jimcaha ee xalay ka dhacay xaruna qaramada midoobay ee magaalada New York kulamo iyo khubadaha kale ee ay madaxda dowladaha ka jeedinayaan kulanka golaha guud ee qaramada midoobay. kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee arrimaha Africa Linda Thomas greenfile, oo la hadashay saxaafadda ayaa sharraxday howlada ay Africa ka hayaan iyo horumarrad ay ka sameeyeen.

Mar ay ka jawaabeysay su’aal ay VOA-du ka weydiisay xaaladda qaxootiga Soomalaiya ee dib loogu celinaayo dalkooda ayay Linda ku jawaabtay.;

“sida uu qabo xeerka caalamiga ah dib celintu waa inay noqotaa mid ikhtiyaari ah, aad ayaanan ugala hadalnay dowladda Kenya in ay xaqiijiyaan inay qadarinayaan sida uu qabo xeerka bini’aadminimada ee caalamiga ah in aan qof qaxooti ah oo aan dooneyn in uu dib u laabto in si khasab ah looga talaabiyo xuduudda. Dowladda Kenya, hay’adda qaxootiga ee UNHCR, iyo dowladda Soomaaliya waxa ay saxiixeen heshiis saddex geesood ah kaasoo ay ka wada shaqeynayaan in ay horumariyaan istaraatiijiadda dib u celinta qaxotiga, taasoo dadka u oggolaaneysa inay si iskood ah oo nabad ah ugu laabtaan dalkooda.”

Hase ahaatee waxa ay Linda sheegtay in nasiib darrradu tataha gees kasta oo dunida ka mid ah markii ay dal dhibaatooyin ka dilaacaan in faraha lagu fiiqo qaxootiga, iyadoo sidoo kale sheegtay in faraha lagu taago muhaajirinta iyo dadka ay u maleynayaan in ay ka qaadanayaan dalkooda. Waxa ay ka hadashay in ay Kenya kala shaqeysay mar ay isu duwe qaxooti ahayd in Kenya ay marti galiso laba qaxooti oo kala duwan markii ay dalkaasi joogtay 90-shameeyadii, waxa ay sheegtay in qaar badan oo qaxootiga Soomaalida ah ay halkaasi ku sugnaayeen muddo ka badan 20 sano, qaarna ay ku dhasheen xerada qaxootiga.

Waxa ay sheegtay in uusan jirin qof jecel inuu noloshiisa oo dhan ku qaato xero qaxooti, laakiin marka uu waqtigu saamaxo, xaaladdana ay hagaagto gudaha dalka Soomaaliya ay qaxootigan doonayaan inay dalkooda dib ugu noqdaan taasina ay tahay waxa ay hadda ka shaqeynayaan.

Waxa ay sheetay in soomaaliya ay hadda ka socoto hanaan siyaasadeed oo la doonayo in lagu qaabeeyo dowlad cusub bilaha soo socda, sidoo kalana ay la shaqeynayaan holwgalka AMISOM iyo dowladaha askarta ugu deeqaya AMISOM in ay wax ka qabtaan amni darrada iyo xasilooni la’aanta ay al shabaab abuurtay, gaar ahaan degaaanada ay qaxootigu ka yimaadeen.

Linda Thomas greenfile, kaaliyaha xoghayaha guud ee Maraykanka ee arrimaha Africa, waxa ay sidoo kale sheegtay in qaxootiga marka ay dib u laabtaabtaan ay u baahan yihiin in ay helaan nolol la mid ah tan dadka kale, sida in ay helaan wax barasho iyo horumarin.

Waa in ay helaan waxbarasho, waa inay helaan fursado dhaqaale, waa in ay helaan horumarin. in la keeno xuduudda oo lagu daadiyo, gaar ahaan marka ay jiraan xaaladaha ah meelo ay ka jiranaan muran ku saleysan xuquuqda cidda leh dhulka ay ka taagan yihiin.”

Waxa ay shegtay in xaaladahaasi ay yihiin kuwa ay hadda ka shaqeynayaan oo ay qayb ka noqdaan dib u dhiska taana aanay ahayn mid dhici karta inta ay ku sugan yihiin xadka dhinaca Kenya oo ay arritaasina qayb ka noqotaa dhib u dhiska.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in dowladda Maraykanka ay ka shqeyneyso sidii Soomaaiya mar kale loogu soo dari lahaa dalalka caalamka, rajana ay ka qabto in toddbaadyada soo socda ay ka dhacdo doorasho.

“Soomaliya waxaan ku leenahay barnaamij weyn-- maaha oo Kaliya in aan taageereyno baraamijyada horumarinta ee waxaanu sidoo kale kala shaqeyneynaa meesha aan horumarinta ka sameyn karno. Waxaan taagereynaa dowladnimada, waxaan ku taageereynaa in dowladda Soomaaliya ay dib u dhisto dowladdan, markaa dadku kalsooni ayay ku qabayaan. Waxaan aad ugu farxsaahay in aan danjiraheenii ugu horreeyay muddo 20 sano ah ku leenahay soomaaliya. Ambasator Schwartz oo howshiisa bilaabay dhowr bilood ka hor. Waxaana uu si dhow ula shaqeynayay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale saaxiibadeen in Soomaaliya ay dib ugu soo celiyaan bulshada caalamka."

Waxaanan rajo wanaagsan ka qabaa in bilaha soo socda ay Soomaaiya ka dhacdo doorasho oo ay dadku ku kalsoon yihiin oo wax ka qabata amni darrada al-shabaab ay ku hayso oo dowladaha askarta siiya, AMSIOM-na lagu gacan siiyo wax ka qabashada amni darrada.”

Sidoo kale waxaa shalay galab ka dhacay xarutna qaramada midoobay kulan gaar ah oo looga hadlayay dadka sida sharci darrada ah laysaga kala gudbiyo caalamka, kaasoo si wayn loogu dheeraaday halista ka dhalata iyo sida ay dad farabadan naftooda ugu waayeen safarradaasi sharci darrada ah, gaar ahaan carruurta aan lala soconon ee sida qarsoodiga ah loo safriyo.

Waxaa wali laga war dhowrayaa khubadadda ay dowladda Soomaaliya ka jeedineyso kulanka 71-aad ee golaha loo dhan yahay ee qarmada midoobay ee galabnimada maanta ah.

Caasho Ibrahim xarunta Qaramada Midoobay, magalada New york

XS
SM
MD
LG