Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qof Is-qarxiyey oo 7 Qof ku Dilay Ciraaq


Masuuliyiinta dalka Ciraaq ayaa sheegay in qof ku jeeni-qaarnaa walxaha qarxa uu isku qarxiyey magaalada Baqdaad isaga oo goobtaas ku dilay toddoba qof halka uu dhaawacay illaa 19 qof.

Ma jirto cid illaa haatan si degdeg ah u sheegatay masuuliyadda weerarkan oo ka dhacay degmo ay ku badan yihiin dadka shiicada ahi.

Hase ahaatee waxaa weerarada noocan oo kale ah inbadan geystay ururka ISIS kaas oo bartilmaameedsada deegaanada ay ku badan yihiin dadka shiicada ahi.

Ciidamada dalka Ciraaq oo taageero ka helaya isbahaysiga Maraykanku hoggaamiyo ayaa la dagaalamayey kooxda ISIS labadii sano ee ugu dambeeyey.

XS
SM
MD
LG