Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jordan: Qoraa Maxkamad lagu Hor Toogtay


Nin hubaysan ayaa maxkamad horteed ku toogtay Qoraa si weyn looga yaqaan dalka Urdun, halkaas oo qoraagani uu maxkamadda ku waajahayey dacwado la xidhiidha sawir-gacmeed uu soo dhigay bartiisa Facebook taas cadho ku abuuraysay bulshada muslinka ah.

Nahed Hattar ayaa lagu dilay barxadda hore xarunta Cadaaladda ee Caasimadda Cammaan.

Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay ninka toogashada geystay.

Hattar ayaa haystay diinta Kiristaanka, waxaana la sheegay inuu sawirgacmeedadan uu daabacay uu ku bartilmaameedsanayey kooxaha Jihaadiyiinta.

XS
SM
MD
LG