Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madxafka Taariikhda iyo Dhaqanka Dadka Madow ee Mareykanka oo La Furay.


African American Museum
African American Museum

Madxafka Taariikhda iyo Dhaqanka Bulshada Madowga Mareykanka ayaa shalay si rasmi ah loogu furay dadweynaha xaflad lagu qabtay Xarunta National Mall ee uu madxafku ku yaalo ee magaaladan Washington.

Qudbad uu ka jeediyey xafladi furitaanka Madxafki ugu horeeyey ee Dadka Madowga Mareykanka madaxweyne Barack Obama oo ah madaxweynihi ugu horeeyey ee ka yimaada dadka Madowga Mareykanka ayuu ku sheegay in taariikhda dadka Madowga Mareykanka ay wadno u tahay taariikhda aabayaashii aas aasay dhaqanka wadanka Mareykanka.

Wuxuu sheegay in marar badan la iska indha tiray sheekooyinka malaayiin iyo malaayiin dad ah oo soo dhisay dalka Mareykanka. Obama ayaa ku dheeraaday taariikhdii ay soo mareen dadka madow ee Mareykanka laga soo bilaabo waqtigii addoonsiga, sharciyadii midab kala sooca ee Jim Crow ee sida xun loogu bah dili jiray bulshada Afrikaan Ameerikaanka, ilaa laga soo gaaro in dalkan Mareykanka uu yeesho madaxweyne ka yimid Bulshada Madowga Mareykanka.

Dadki kale ee kasoo qeybgalay xafladi furitaanka ee Madxafka Taariikhda iyo Dhaqanka dadka Africaan Ameerikaanka ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush, oo saxiixay sharcigi ogolaaday in la bilaabo dhismaha madxafkan sanadki 2003.

Madaxweyne Obama iyo marwadiisa Michelle Obama ayaa gabagabadii si wada jir ah u yeeriyey gambaleel weyn oo ay leedahay kaniisada taariikhiga ah ee ay ku cibaadeysan jireen dadki la adoonsan jiray ee Afrikaan Ameerikaanka dalka Mareykanka.


XS
SM
MD
LG