Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Budhcad-Badeed Maxkamad ku Sugaya Hindiya


Warbaahinta dalka Hindiya ayaa wax ka qortay 119 Soomaali ah oo loo haysto budhcad-badeed kuwaas oo ku xidhan dalka Hindiya ka dib markii ay ciidamada dalkaasi afar hawlgal ku soo qabqabteen intii u dhexeysay sannadihii 2011 illaa 2012.

Wargayska The Times of India ayaa bartiisa internetka ku qoray in maxaabiistan Soomaalida ah ee lagu eedaynayo falalka budhcad-badeednimada in 50 ka mid ah loo haysto falal dil ah, xukunkooduna uu noqon karo dil.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa daabacday in qaar ka mida eedaysanayaashani ay qirteen dhammaan eedihii loo haystay.

Caydaruus Saalax Yuusuf Sugule oo ah Xoghayaha Saddexaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa VOA u xaqiijiyey inaanu jirin xukun illaa haatan dhacay, hase ahaatee la filayo in dacwaddan laga go’aan gaadho bishan 30-keeda.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa sheegtay inay u qabteen garyaqaan u doodaya eedaysanayaasha Soomaalida ah ee loo haysto falalka budhcadbadeedda, waxayna safaaraddu sheegtay in marka xukunku dhaco inay ku dedaalayaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG