Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Soo Bandhigtay Meydka 'Askar Kenyan ah'


Al-Shabaab
Al-Shabaab

Ururka Al-Shabaab ayaa maanta magaalada Jilib kusoo bandhigay maydka laba qof oo ururka sheegay inay ka mid ahaayeen booliiska Kenya.

Dadkan ayaa Al-Shabaab ay sheegtay in lagu dilay weerarkii habeen horey maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga deegaanka Haamey ee gobolka Gaarisa.

Dadka magaalada ku nool ayaa sidoo kale VOA u sheegay in Al-Shabaab ay sidoo kale halkaasi kusoo bandhigeen baabuur iyo hub ay sheegteen inay kusoo qabsadeen hawlgalkaasi.

Dawladda Kenya ayaa shalay sheegtay in weerarka ay Al-Shabaab qaadday ay ku dhaawacmeen afar askari, sidoo kalena la la’yahay laba kale.

XS
SM
MD
LG