Isku xirrada

War Deg-Deg ah

R/Wasaare Cumar oo ka Hadlay Arrinta Badda


Ra'iisul wasaare Cumar
Ra'iisul wasaare Cumar

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dacwaddan ayaa waxaa saldhig u ah heshiis sanaddii 2009 ay Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen, markaasi oo uu dalka ra’iisul wasaare la ahaa Cumar Cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in heshiiskii MoU-ga uu ahaa mid ku saabsanaa qalfoof badeedka, isla markaana aanan ujeedkiisa aheyn xuduud badeedka labada dal.

Waxa uu ku eedeeyay in Kenya ay is fahamkaas si qaldan u dhigtay.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, waxa uu sidoo kale ka digay “in siyaasad ahaan loo adeegsado heshiiska, lagana dhigto olole doorasho”.

Wariyeheenna Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Garoowe oo ra’iisul wasaaraha uu shirka jaraa’id ku qabtay.

Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay arrinta badda
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:31 0:00

XS
SM
MD
LG