Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dacwada Badda ee Somalia iyo Kenya oo Gebo Gebo ku Dhow


Dacwada Badda
Dacwada Badda

Magaalada Hague ee dalka Netherlands waxaa maalinta berri ah lagu soo gaba gabeynayaa doodo illaa iyo Isniintii soo dhex marayey qareenada Somalia iyo kuwa Kenya oo ku aadan muranka dhinaca badda ah ee labada waddan ka dhex ooggan.

Doodahan oo ay dhageysaneysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo ay Somalia dacwad u gudbisay ayaa Soomaaliya ay ku dooneysa in maxkamadda ay qaado kiis ku saabsan xadeynta xuduudda badda ee labada dal.

Dhinaca kale, Kenya ayaa waxa ay weli ku adkeysaneysaa in maxakamaddu aaney qaadi karin maadaama ay Soomaaliya horey ula saxiixatay Kenya heshiis is-afgarad ah.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Somalia Axmed Cali Daahir oo ku suggan Netherlands, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay halka dacwaddu mareyso.

Wareysi: Xeer Ilaaliyaha Qaranka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:18 0:00

XS
SM
MD
LG