Isku xirrada

Nusoj oo Walaac Ka Muujisey Xannibaad Wariyayaasha


Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj, ayaa walaac ka muujiyay amar ka soo baxay maareeyaha amniga ee garroonka dayuuradaha Muqdisho Cabdi Ashkir Jaamac, kaas oo muddo 60 casho ah wariyayaasha loo diidey inay wax shaqo ah u aadaan garroonka dayuuradaha Muqdisho, iyagoo aan fasax ka heysan maamulka garroonka. Maxamed Ibaraahim Macallimuu, xog-hayaha guud ee Nusoj, ayaa wariyahaga Jaamac Buulle Jaamac ka wareystay ashtakadooda.

Kaasi wax auu ahaa xog-hayaha guud ee ururka suxufiyinta qaranka NUSOJ Macallimuu oo Jaamac Buulle Jaamac la hadlayay. Dhageystayaal waxan la xiriirney maareeyaha amniga ee garoonka dayuuradaha Muqdisho Cabdi Ashkir Jaamac, si uu arrintan uga hadlo, waxase uu ka gaabsadey in uu faahfaahiyo arrintaasi.

XS
SM
MD
LG